Dagaallo Culus Oo Ka Dhacay Buur Dhuubo iyo Ceel-Waaq.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay qaaday weeraro xoogan oo beegsaday ciidamada Shisheeyaha Xabashida iyo Kenyaatiga ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Gedo.

Weerarka koowaad oo ahaa mid aad u xooggan isla markaana socday mudo Laba saac ah ayey Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxa ay habeenkii xalay ku qaadeen saldhig ay asarta xabshida itoobiya ku leyihin Dagamada buur dhuubo ee Gobolka Gedo, halkaasi oo uu ka dhacay Dagaal aad u xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ila wareedyo mas’uul ah ayaa idaacada islaamiga ah ee Al-Furqaan u xaqiijiyay in uu jiro khasaare lixaad leh oo gaaray ciidamada xabashida Itoobiya ee dulaanka ku jooga degamada Buur dhuubo.

Sidoo kale isla wilaayada islaamiga ah ee Gedo, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus ku qaaday askarta Kenya ee difaacayada ku leh dagamada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Dagaalka oo dhacay fiidkiii hore ee xalay ayaa la rumeysanyahay in khasare lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya hasayeeshee lama helin cadada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray Kenyaatiga.

Isku soo wada duubo howlgaladaaan ayaa ku soo aadaya xili saacadihii lasoo dhaafay weeraro kala duwan oo ka dhacay Gobolo ka tirsan Soomaliya iyo gudaha dhulka NFD ay dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen askar ka tirsan ciidamada shisheeye iyo kuwa Soomalida ah ee la shaqeeeya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.