Dagaallo Ka dhacay Duleedka Muqdisho iyo Jubbada Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaaday difaacyada ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Kenyaatiga ay ku leeyihiin deegaanno dhaca duleedka Muqdisho iyo gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Mujaahidiinta waxay duulaan ballaaran ku qaadeen saldhigyo ciidamo katirsan Dowlada federaalka ku leeyihiin deegaannada Ceelasha biyaha iyo Calamada oo dhaca wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Waxay sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta weerar ku qaadeen ciidamada Kenyaatiga ee xooga ku jooga deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey weeraradan ay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka.

Halkan ka dhagayso Dagaallo ka dhacay Duleedka Muqdisho iyo Hosingow

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.