Dhacdo Naxdin badan Oo lagu Dilay Reer Guuraa Oo ka dhacday Soomaali Galbeed.

Nin madaxa looga jira ayaa weerar ku qaaday guri ay degnaayeen dad reer guuraa ah oo ku yaala dhulka Soomaali galbeed ee ay gumeysato dowladda Itoobiya.

Ninkan oo wata toorrey ayaa weeraray qoys ka kooban 9 ruux, wuxuuna dhamaantooda ka dhigay wax uu dilo iyo wax uu dhaawaco.

Afar ruux oo ay kamid yihiin Aabaha iyo Hooyada ayaa ku dhintay dhacdadan naxdinta badan, halka inta soo harteyna ay dhaawacyo daran gaareen.

Xubno katirsan qaraabada qoyska ayaa warbaahinta la hadlay waxayna xaqiijiyeen wixii dhacay.

Halkan ka dhagayso Dhacdo Xanuun badan Oo lagu gowracay Dad Shacab ah

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.