Diyaarad Milliteri Oo Ku Burburtay Gudaha Maraykanka.

Milliteriga dalka Maraykanka ayaa xaqiijiyay in diyaarad nooca dagaalka ah ay ku dhacday gobolka California saacado un kadib markii ay ka duushey garoon milliteri oo ku yaala gobolkaas.

Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in diyaarad nooceedu yahay F / A-18E Super Hornet ay burburtay, kadib markii ay dhulka kusoo dhacday, iyadoo markii hore ka duushey saldhiga Limor oo kamid ah saldhigyada ciidamada badda ee Maraykanka.

Duuliyaha diyaaradda ayaa la sheegay inuu ka badbaaday burburka diyaaradda, kadib markii uu isku soo laa laadiyay baarshutyada ay adeegsadaan ciidamada milliteriga Maraykanka.

Waxaa hadda lagu dabiibayaa isbitaal ay leeyihiin ciidamada Maraykanka, sida uu xaqiijiyay sarkaalkan Ameerikaanka ah ee u hadlay ciidamada Maraykanka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay burburka diyaaradda, waxaana xilligaas ay ku guda jirtay howlo tababar milliteri ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.