Dowladda Federaalka Oo Xirtay Wadooyin horleh oo ku yaala Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaa markale waxay xirtay wadooyin horleh oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo ay isticmaalaan dadweynaha iyo gaadiidka.

Wadooyinka la xiray waxaa kamid ah isgoysyada Taraqa iyo Sigaara, miisaanka Dhuxusha iyo kuwa kale, waxayna dhacaan wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Darawallada kaxeeya gaadiidka dadka shacabka ah ayaa ka cabanaya arintan soo korortay, iyagooan sheegay ineysan jirin wadooyin ay furtay dowladda federaalka, taas bedelkeeda ayba kasii dartay oo ay xirtay wadooyinkii horey u furnaa.

Waxay codsadeen in loo furo wadooyinka xiran, taasi oo muhiim ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Dowladda federaalka ayaa dhawaan Muqdisho ku qabatay munaasabad is xayaysiin ah oo ay ku sheegtay iney ku furtay wadooyin xirnaa, balse waxay reer Muqdisho ineysan jirin wado furan, meelaha qaarna lasoo dhigay dhegxaan hor leh iyo jidgooyooyin lacago baad ah looga qaado.

Halkan ka dhagayso Dowladda Federaalka Oo Xirtay Wadooyin cusub oo ku yaala Muqdisho

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.