Gaaljecel iyo Geelidle Oo Kala Qaatay Diyo Boqollaal Neef Oo Geel ah .(Sawirro)

Munaasabad aad u ballaaran oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa dhawaan ka dhacday deegaanka Burdho ee gobolka Bakool, halkaas oo ay diyo boqollaal neef oo geel ah ku kala qaateen beelaha walaalaha ah ee Gaaljecel iyo Geelidle.

Labadan qabiil oo ood wadaag ah ayaa waxay horey xurguf ugu dhexmartay deegaanno dhaca xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Bakool, waxaana arinkooda Allaah kadib xalliyay maktabka Musaalaxada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab,

Waxay iska dileen 4 ruux oo labada dhinac ah, munaasabadana waxaa lagula kala wareegay diyada shakhsiyaatkaas horey loo diley oo dhan 400 oo neef oo geel ah.

Qabaa’ilka muslimiinta ah ee dega wilaayaadka islaamiga ayaa mararka dhif dhifta ah ee uu gacan ka hadal dhexmaro waxaa ku baxa maktabka Musaalaxada ee Mujaahidiinta, iyadoona si deg deg ah loo xalliyo, maadaama waxa la isku xukumayo ay yihiin Shareecada Islaamka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.