Gaari Ku Rogmaday Shabeellaha Dhexe Oo Khasaare Dhaliyay.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in gaari nooca biijiiga ah uu ku rogmaday deegaan hoosyimaada degmada Warsheekh ee gobolkaas.

Gaariga rogmaday ayaa waxa ku rarnaa dhuxusha dabka lagu shito, waxaana uu rogmaday isagoo maraya deegaan lagu magacaabo Burkakaal oo hoostaga degmada Warsheekh.

Waxaa saarnaa gaariga 2 ruux iyo darawalka, waxaana lagu soo waramayaa inuu geeriyooday mid kamid ah labadii ruux ee gaariga la socday, kaas oo isagoo dhaawac ah la geeyay isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Halkan ka dhagayso Gaari Ku rogmaday Shabeellaha Dhexe

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.