Gabar Si Xun Loo Dilay Oo Meydkeeda Lasoo Dhigay Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa laga soo warinayaa dhacdo murugo leh, taas oo la xiriirta in mid kamid ah xaafadaha magaaladaas lasoo dhigay meydka gabar yar oo si xun loo dilay.

Gabadha yar ayaa la sheegay in la aqoonsan waayay wejigeeda, maadaama dhaawacyo daran laga gaarsiiyay wejiga, iyadoona la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso.

Reer Boosaaso ayaa arintan aad uga argagaxay, waxayna ku tilmaameen iney qeyb ka tahay ololaha lagu beegsanayo caruurta yar yar ee bilooyinkan kusoo badanaya Soomaaliya.

Majirto cid loo soo qabtay falkan naxdinta leh, waxaana tallaabooyinkan argagaxa badan ay kusoo badanayaan dhulka ay ka taliyaan Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Halkan ka dhagayso Gabar meydkeeda laga helay Boosaaso

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.