Gabar Soomaaliyeed Oo lagu Afduubtay Magaalada Muqdisho. (Dhagayso)

Xaafadda Shanta geed ee degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho waxaa lagu afduubtay gabar Soomaaliyeed oo kamid ah ardeydii sanadkan ka qalin jebisay dugiga sare.

Hibo Maxa’ed Xasan ayaa rag wata gaari madow waxay ka afduubteen xaafadda Shanta geed oo ay deganeyd, waxaana la ogeyn halka ay la aadeen.

Hooyada dhashey gabadhan 18 jirka ah oo lagu magacaabo Xalwo Axmed Faarax ayaa iyadoo murugsan waxay la hadashey warbaahinta, waxayna sheegtay in xilliga la afduubanayay ay iyadu adeeg uga dirstay banaanka.

Muqdisho waxaa si xowli ah uga socda afduubka caruurta, gabdhaha iyo kufsiga haweenka, waxaana dadku ay sheegayaan in arintan ay ka dambeeyaan Shisheeyaha degan xerada Xalane oo dalka xoog iyo awood ku heysta.

Halkan ka dhagayso Gabar lagu afduubtay magaalada Muqdisho

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.