Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Oo U Xoog Sheegtay Dad Shacab ah.

Degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxaa dadka ku dhaqan ay ka cabanayaan tacadiyaad kaga imaanaya dhinaca gudoomiyaha degmadaas ugu magacaaban Dowladda Federaalka ninka lagu magacaabo Muuse Geesey.

Ciidamo uu horkacayo gudoomiyaha degmada ayaa burburiyay guryo ay dad shacab ah leeyihiin, kuwaas oo qaarkood ay degnaayeen waagii dowladdii Maxa’ed Siyaad Barre.

Cagaf cagafyo ayuu gudoomiyaha geliyay guryhahan, taasoo keentay in dhulka lala simo, waxaana dhulkii guryahaas laga dumiyay la wareegay Muuse Geesey.

Dadka shacabka ah ee guryahan lahaa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo xoog sheegtay, iyagoona codsaday in wax looga qabto cabashadooda.

Halkan ka dhagayso Warbixin Gudoomiyaha Yaaqshiid Oo Burburiyay Guryo Shacab leeyihiin

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.