Gudoomiye Ku xigeenkii Qansaxdheere Oo Lagu Dilay Qarax ka dhacay Degmadaas.

Wararka ka imaanaya degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay iyo Bakool ayaa ku waramaya in qarax xoogan gudaha degmadaas lagula eegtay masuuliyiin katirsan maamulka degmadaas.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Qansaxdheere ee maamulka Koonfur galbeed Ibraahim Yuusuf ayaa lagu dilay qaraxa, halka ay sidoo kale ku dhinteen afar askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmey qaraxa gudoomiyaha degmada Qansaxdheere Cabdi Rizaaq Shariifow, iyadoona gaariga qaraxa lala eegtay uu gebi ahaanba basbeeley.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah waxay u sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaana degmada Qansaxdheere ay kamid tahay goobaha ay gobolka Baay iyo Bakool ka joogaan ciidamada xabashida Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.