Haween Xaflad Aroos Ka Qeybgalayay Oo uu Dhisme La Dumay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacday arin naxdin leh, kadib markii haween ka qeybgalayy Xaflad aroos oo ka socotay mid kamid ah hotellada Muqdisho uu la dumey dhismaha.

Haweenka ayaa waxaa la dumey boosaneer ay ku dul taagnaayeen, waxaana halkaas ku dhaawacmey ugu yaraan 3 haween ah.

Waxaa waqti qaadatay in haweenka laga soo saaro boosaneerka, kadibna isbitaal loola cararo.

Inta badan xafladaha ka dhaca hotellada magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca falal ka hor imaanaya diinta Islaamka, sida in haweenka ay qoob ka cayaar ku sameeyeen ragga hortooda iyo in la shido Music iyo waxyaabo kale.

Halkan ka dhagyaso Haween ka qeybgalayay Xaflad Aroos Oo uu dhisme la dumey

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.