Howlgal Gaar ah Oo Oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal gaar ah waxay ka fuliyeen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan gaarka ah waxaa lagu beegsaday masuuliyiin iyo xubno katirsan maamulka gobolka Banaadir ee Dowladda federaalka.

Ugu yaraan 6 ruux oo uu ku jiro masuul lagu magacaabo Ibraahim Cali Colow oo katirsan maamulka gobolka Bnaaadir ee Dowladda federaalka ayaa lagu dilay howlgalka, sida ay ku waramaya ilo lagu kalsoonaan karo.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah waxay u sheegatay masuuliyadda howlgalkan gaarka ah ee maanta ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Muqdisho waxaa si joogta ah uga dhaca howlgalalda gaarka ah iyo kuwa tooska ah ee ay qaadaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu beegsado xubnaha iyo masuuliyiinta Dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.