Howlgallo Ka kala Dhacay Shabeellooyinka, Jubbooyinka iyo Banaadir.

Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa howlgallo kala duwan oo khasaare dhaliyay ka dheceen qeybo kamid ah gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa Bankrafta ayaa waxaa qarax xoogan lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Xaawo Cabdi, waxaana halkaas lagu burburiyay gaariga.

Askartii saarneyd ayaa dhimasho iyo dhaawac noqday, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoonyahay.

Waxaa sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada maamulka Jubbaland ee Baar Sanguuni,  lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee gaaray.

Dhinac kale, ciidamo lugeynayay oo katirsan kuwa dowladda federaalka ayaa waxaa qarax xoogan lagula eegtay duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, khasaare kala duwanna waa la gaarsiiyay.

Ugu dambeyntii faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey qarax maalintii shalay inta u dhexeysa Balcad iyo Basra lagula eegtay ciidamo katirsan Dowladda federaalka.

Ugu yaraan 10 askari oo uu sarkaal ku jiro ayaa qaraxaas lagu dilay, waxaana gaariga qaraxu haleeley iska lahaa gudoomiyaha degmada Balcad ee maamulka Hir Shabeelle.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.