Howlgallo Milliteri Oo ka Dhacay Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Waa ciidamo katirsan Mujaahidiinta.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday howlgallo kala duwan oo lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha ee ku sugan qeybo kamid ah Jubbada Hoose iyo malleeshiyaad Suufi ah oo fariisin milliteri ku leh duleedka Baardheere.

Deegaanada Hosingow iyo Kulbiyow ayaa lagu weeraray ciidamada Kenya, waxaana dagaalladu ahaayeen kuwa xoogan oo rasaasta la isku adeeganayay ay in muda ah socotay.

Waxaan la heynin khasararaha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Kenya ee sida xiriirka habeennadii lasoo dhaafay loogu weeraray fariisimiyaasha ay ku leeyihiin deegaannada Hosingow, Kulbiyow iyo deegaanno kale.

Waxaa sidoo kale weerar dhabagal ah oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo gaari dagaal looga furtay ciidamada maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntiina, weerar ayay ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen habeenkii xalay fariisin malleeshiyaad Suufi ah ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ahaa mid in muda ah socday, waxaana lagu soo waramayaa in waxyeello kala duwan la gaarsiiyay askarta Suufida ee ka hoos shaqeeya ciidamada Xabashida Itoobiya.

Halkan ka dhagayso Faafaahinta Howlgallo ka dhacay Jubbooyinka iyo Gedo

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.