Iiraan Oo Safiir Cusub U Soo Magacowday wadanka Yemen.

Dowladda shiicada ah ee Iiraan ayaa si toos ah u shaacisay in safiir cusub ay u magacowday wadanka Yemen, oo qeybo badan oo kamid ah gacanta ku hayaan malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee gacan saarka dhow la la leh Iiraan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Iiraan ayaa shaaca ka qaaday in safiirka cusub ee ay Iiraan u magacowday dalka Yemen uu gaaray magaalada Sancaa ee caasimadda wadankaas, halkaas oo uu ku wareejiyay waraaqihiisa safiirnimo.

Safiirka cusub ee Iiraan usoo magacowday Yemen waxaa lagu magacaabaa Xasan Iirlo, waxaana aad loola yaabay sida uu ku yimid magaalada Sancaa, maadaama hawada wadankaas ay gacanta ku hayaan isbaheysiga carbeed, ayna adagtahay in dhinaca badda uu kusoo safro.

Dowladda Iiraan ayaa taageerta malleeshiyaadka Xuuthiyiinta, waxayna taageersantahay xukuumad ay Xuuthiyiintu ku dhawaaqeen, taas oo diidan jiritaanka dowladda uu hogaamiyo Cabdi Rabbi Haadi Mansuur.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.