Kudhawaad 100 Ruux Oo Lagu dilay Dalka Gini ee Africa.

Wararka ka imaanaya dalka Gini ayaa ku waramaya in ciidamada Ammaanka ee dalkaas ay dileen kudhawaad 100 ruux oo shacab ah, kuwaas oo dhigayay banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan madaxweynaha wadankaas.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa diidan xeer uu dhawaan meel mariyay madaxweynaha dalkaas ninka lagu magacaabo Alpha Conde, kaas oo u ogolaanaya in markii saddexaad uu ka qeyb galo doorashada madaxtnimada ee wadankaas.

Saraakiil u hadlay Mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Ammaanka ay ka takhalluseen ugu yaraan 90 ruux oo shacab ah, marka la isku daro tirada guud ee dadka shacabka ah ee ay booliisku ku dileen guud ahaan dalka Gini.

Dowladda Gini waxay dhinaceeda beenisay wararka sheegaya dhimashada 90ka qof ee shacabka ah, waxayse kusoo koobtay dhimashada 42 ruux.

Madaxda wadamada Caalamka ee aan ku dhaqmin Shareecada Islaamka ayaa dhaqan u leh in si ay ilaashadaan kursigooda madaxtnimada ay gumaadaan dadka sahcabka ah, waana arinkan waxa hadd ka soconaya wadamada caalamka gaar ahaan dunida muslimka ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.