Kudhawaad 500 Askari Ameerikaan ah Oo Is dilay. (Dhagayso Warbixin)

Warbixin sanadle ah oo ay baahisay wasaaradda dagaalka ee Maraykanka ee The Pentagon ayaa lagu sheegay in sanadkii 2019ka ee lasoo dhaafay uu kamid ahaa sanadyada ugu badan ee ay is dilaan ciidamada Maraykanka.

Waxay warbixintu xaqiijisay in ugu yaraan 498 askari oo katirsan ciidamada milliteriga Maraykanka ay nolosha is dhaafsiiyeen sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-ka, sababo ku aadan culeesyada soo wajahay.

Ciidamada barriga ee Maraykanka, islamarkaana is dilay sanadkii 2019-ka wxay tiradoodu gaareysa 142 askari, halka 83 askarina ay kamid ahaayeen ciidamadda hawada oo ah kuwa duqeymaha aan loo meel dayin ku garaaca wadamada caalamka Islamaka oo ay ku jirto Soomaaliya.

119 askari oo katirsan ciidamada is dialy sanadka 2019-ka ee katirsan milliteriga Maraykanka waxay kamid ahaayeen ciidamada badda oo iyagana kamid ah ciidamada ka qeyb qaata duulaannada uu Maraykanku ka wado caalamka Islaamka.

Ciidamada katirsan Keydka milliteriga Maraykanka ee is dilay sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-ka waxay tiradoodu gaareysaa 65 askari.

Waxaa muuqaneysa in sanadba sanadka ka dambeeya ay sii kordhayaan tirada ciidamada Ameerikaanka ah ee iyaga is dhaafinaya nolosha, kadib makii ay u adkeysan waayeen culeesyada kasoo wajahaya dagaallada gardarada ah ee ay ku qaadeen wadamada caalamka Islaamka.

Badi ciidamada Ameerikaanka ah ee isdila waa kuwa kasoo dagaallamay wadamada Afqaanistaan, Ciraaq iyo Soomalaiya, waxaana qaarkood ay is dilaan iyagoo ku sugan dalalkaas, halka qaarkoodna ay nolosha is dhaafiyaan marka ay ku laabtaan wadankooda.

Waxaa tirada is disha ee Ameerikaanka ah aad uga badan ciidamada ku dhimanaya howlgallada ay qaadaan jamaacaadka Jihaadiga ah ee dagaalka kula jira Maraykanka.

Sanadkii 2019-ka oo keliya, waxaa Soomaaliya, howlgal gaar ah oo ay guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaaday saldhiga Bellidoogle lagu dilay 121 askari oo Ameerikaan ah.

Khubarada ka faallooda arimaha caskariga ayaa tilmaamaya in Maraykanku aanu awood u lahayn inuu si wado duulaannada uu ku joogo wadamada caalamka Islaamka, taasina waa mida keentay inuu wadahadal qeexaya inuu isaga cararo Afqaanistaan la galo Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan, halka Siyaasiyiinta Ameerikaanka ah ay hadda soo jeedinayaan in Maraykanka uu wadahadal la galo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, maadaama aanu awoodin inuu awood ku maquuniyo.

Halkan ka dhagayso Warbixin Sanadle ah Tirada Askarta Ameerikaanka ee is dilay 2019

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.