Ma Ogtahay In Qaaradda Ameerikada Koonfureed ay Heleen Muslimiinta Maali?!

Maali, waa wadan sita magaca qabiil ballaaran oo dega galbeedka qaaradda Africa, waana qabil ka kooban jilibyo badan, heer la sheego in jilibkiiba ama laftiiba ay noqon karto shacab dhameystiran.

Sideena, wuxuu caalamku ahaa nidaam ku dhisan habka awooda, qabiilkii awood yeeshana baciid ma ahayn in wadanka uu isagu ku noolyahay isugu magacdaro, mana dhici jirin in qabiiil uu qabiilka kale buudka kula tunto, hase ahaate waxaa dhici jirtay in qabiilka laga guuleysto lagu qasbo inuu u hogaansamo awaamiirta qabiilka guuleystay.

Qabiilkan lagu magacaabo Maali, wuxuu u hogaansamay Islaamka, jilibyadiisana waxay badankood qaateen diinta Islaamka, sidaas darteed waxay kaalin ballaaran ka qaateen in diinta Islamaka lagu faafiyo wadamada galbeedka Africa, oo badankood la oran jiray Bilaadu Suudaan.

Kalimadda Maali, waa magaca loogu yeeri jiray qabiilka dega dhulkan oo badankood kasoo jeeda Fulaaniyiinta, markii dambena wadanka ayaaba magacaas qaatay, carabtuna waxay ugu yeeri jireen qabiilkan Maliil, halk Barbariyiintana ay ku magacaabi jireen Maliit.

Qabiilka Hawaasa  ayaa isagana loogu yeeri jiray Wangara, halka iyaguna isugu yeeraan Mandi, dadka luuqadooda ku hadlana waxay ku tilmaami jireen Mandinig.

Qabiilkan waxaa ka faracma beelo badan oo ay kamid tahay Sonanki, Dayuula, Bambara iyo kuwa kale, qabilkan iyo boqortooyooyinkii ay dhiseen ayaana horseeday xadaaraad caalamka gaarsiiyay horumar dhanka socdaalka iyo daah ka rogida dhulal qarsoon.

Dadkii kasoo jeeday qabiilka Hawaasa ayaa ahaa bad mareenno ka gudbay badda Medeterianka ee mugdia lagu asteeyo, heer ay soo ogaadeen dhulalka ka dambeeya badaas oo ay kamid tahay Ameerikada koonfureed.

185 sano kahor inta aaney reer Yurub iktishafin dhulkas ayay ilbaxnimadii Reer Maali gaartay halkaas, waxaana markii dambe u suurageli waayay xitaa iney kusoo laabtaan dhulkooda, Ameerikada koonfureed ayayna degeen, illaa iyo hadana waxaa laga heli karaa raadadka ilbaxnimadooda.

Ku dhageyso Qeybaha kale Barnaamijka Aqoon iyo Ogaal.

Halkan ka dhagayso Warbixin Muslimiinta Maali iyo Ameerikada Koonfureed

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.