Maali Waxay Noqotay Afqaanistaan Labaad. (Dhagayso Warbixin)

“7 sano kadib, wadanka Mali, oo astaan   u noqon lahaa guushii Faransiiska, wuxuu astaan   u noqday guuldaradiisa, maadaama dalku uusan dib u helin guulihii uu ku tamayay” ayaa lagu billaabay warbixin uu wargeys kasoo baxa dalka Faransiiska ka qoray xaaladdda wadanka Maali.

Waxaa fashilmey rajadii dowladda Faransiiska ee ahayd iney cagta mariso Jihaadiyiinta ka howlgala wadanka Maali, kuwaas oo 7 sano kadib noqday awood adag, caalamka oo idil, gaar ahaan Faransiiskuna uu dartood kun xisaabood u dego.

Inkastoo billowgii duulaanka Faransiiska ay Mujaahidiinta Maali awoodooda ku ekeyd gudaha dalkaas, ayay hadda waxay ka howlgalaan badi wadamada galbeedka Africa, sida Nayjar, Burkina Faso, Maali iyo kuwa kale.

Maqaalkan lagu daabacay majallada  L’OBS, waxaa qoray haweeney ka faalloota arimaha Jihaadiyiinta, waxay ciwaan uga dhigtay warbixinteeda, Maali ma waxay noqotay Afqaanistaan kale? .

Iyadoo muujineysa isku ekaansho labada dal oo ay ka socdaan dagaallo Jihaadi ah ayay qiyaaseysaa in ugu dambeyn dowladda Faransiiska ku qasbnaan doonto iney wadahadal la furto Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin, sidaba Maraykanka ugu qasbanaaday inuu u hogaansamo rabitaanka Imaarada islaamiga ee Afqanistaan.

Halkan ka dhagayso Warbixin- Maali waxay noqotay Afqaanistaan labaad

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.