Maamulka Aala-Sucuud Oo Fasaxay Gudashada Cumarada.

Kadib 7 bilood oo xiriir ah oo uu maamulka Aala-Sucuud xanibay gudashada cumrada ayaa wuxuu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in la furay Kacbada.

War kasoo baxay hay’adda maamulka Aala-Sucuud u qaabilsan arimaha Xarameynka ayaa lagu sheegay in dadka muslimiinta ah loo fasaxay wixii xilligan ka dambeeya iney gutaan Cumrada, iyado la ilaalinayo shuruuc la xiriirta xaga badqabka caafimaadka.

Dadkii ugu horeeyay ee gudanaya cumrada islamarkaana fursadan sugayay muda 7 bilood ah ayaa hadda gaaray Xaramka, kuwaas oo ku faraxsan iney u xaqiiqowday rajadii ay lahaayeen.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa markii uu joojinayay gudashada cumrada ee dadka ka imaanaya dhulka ka baxsan Xarameynka wuxuu ku andacooday halista cudurka Corona virus.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.