Maxkamad Islaami ah Oo Toogatay Askari katirsan Dowladda Federaalka.

Gelinkii dambe ee malintii shalay fagaare weyn oo ku yaala degaanka Booc ee wilaayada islaamiga ah ee hiiraan ayaa lagu dilay askari in mudo ah ka tirsanaa ciidamada dowlada fedraalka isla markaana ay gacanta ku soodhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Askariga La toogtay ayaa waxaa lagu magcaabi jiray Cabdi wali Cumar Cabdi, kaas oo la sheegay inuu soo qaatay tababarro ciidan oo kala duwan islamarkaana uu ka howgalayay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka akhriyay xukunka ninkan, iyadoona markii dambe lagu fuliyay..

Wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan waxaa todobaadyo kahor ka dhacay xukuno kala duwan oo isugu jiray kuwa qisaas ah iyo dilal toogasho ah oo lagu fuliyay  rag basaasiin ah oo la shaqeynayay sirdoonada shisheeyaha dowlada fedraalka iyo kuwa maamul goboleedyada .

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu tilmaamaa iney leedahay garsoor hufan oo bulshada ugu adeegga hab cadaalad ah waxaana dhowr jeer sidaasi warbaahinada ka sheegay Madax iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka.

Dhagayso faafaahin ku aadan Xukun Dil ah oo ka dhacay Hiiraan

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.