Muqdisho Oo Caruurta Maalin Cad La Iska Xoogayo. (Dhagayso)

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka taagan dhibaato xoogan oo soo wajahday waalidiinta, taas oo la xiriirta iyadoo ay soo baxeen dad caruurta xadaya oo ka iibsanaya hay’ado Shisheeye.

Inkastoo markii hore ay arintu joogtay in caruurta la xado, si qarsoodi ahna loo dafo ayaa hadda waxaa soo baxaya burcad si bareer ah isugu dayeysa iney caruurta ka dafaan waalidiintooda.

Dhawaan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxaa nin burcad ah uu isku dayay in hooyo soomaaliyeed uu ka dafo gabar ay xambaarsaneyd, inkastoo markii dambe uu fashilmey, mahadda Allaah kadibna ay hooyada usoo gurmadeen dad shacab ah.

Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa wareystay haweeney habaryar u ah gabadha la damacsanaa in la dafo, waxayna ka warantay dhibaatada ka jirta Muqdisho ee ilma xadid iyo dafid ah.

Dhagayso Qoys Canugooda la isku dayay in laga dafo oo la hadlay Idaacadda Al-Furqaan

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.