Qarax Gaari Lagu Burburiyay Oo ka Dhacay Deegaanka Tareedisho.

Deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa ka dhacya qarax xoogan oo lagu burburiyay gaari uu saarnaa sarkaal katirsan ciidamada Dowladda federaalka iyo ilaaladiisa.

Qaraxa ayaa burburiyay gaariga, waxaana halkaas ku dhaawacmey afar askari oo kamid ahaa ilaalada sarkaalka, iyadoo sarkaalka la sheegayo inuu ka badbaaday isku deyga lagu doonayay in lagu dilo.

Goobjoogayaal waxay kusoo warameen in qaraxa kadib ay goobta soo gaareen ciidamo katirsan Dowladda federaalka, kuwaas oo qaaday dhaawacyada askarta, lana cararay sarkaalka.

Wuxuu imaanayaa qaraxan, iyadoo degmada Wardhiigley howlgal gaar ah oo maanta ka dhacay lagu dilay 2 askari oo katirrsan ciidamada Sirdoonka Dowladda federaalka, halka mid kalena lagu dhaawacay, iyadoo laga furtay qori ay wateen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.