Qarax ka Dhacay Baladweyne iyo Weerar Lagu qaaday Kudhaa.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa habeenkii ka dhacay qarax xoogan oo lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa maamulka Hir Shabeelle.

Weerarka waxa uu si gaar ah kaga dhacay bar isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa maamulka Hir Shabeelle, waxaana goobta lagu dhawacay ugu yaraan 6 askari.

Dhinac kale, ciidamada Xarkaada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan jaziiradda kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka waxa uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada maamulka Jubbland, inkastoo faafaahin rasmi ah laga heyn.

Kudhaa waxay marar hore marti gelisay weeraro cag marin ah oo lagu dilay tobanaan askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.