Qarax Khasaare Dhaliyay Oo ka dhacay Magaalada Beyruut ee Lubnaan.

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhintay qarax ka dhacay xarun lagu keydiyo shidaalka oo ku taalla magaalada Bayruut ee caasimadda wadanka Lubnaan.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmey dad kale oo u badnaa caruur, sida ay ku waramayaan ilo caafimaade oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah.

Waxaan la ogeyn waxa rasmiga ah ee dhaliyay qaraxan, hase ahaate goobta uu ka dhacay ayaa ahayd goob lagu keydiyo shidaalka oo u sahlan inuu holco marka uu heer kul adag soo wajaho.

Dhinac kale, maamulka Yahuudda ayaa todobaadkii saddexaad wuxuu dadka Muslimiinta ah ee Filastiiniyiinta u diidanyahay iney salaadda ku tukadaan masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa.

Yahuudda ayaa u diidan Muslimiinta in salaadaha Jimcaha ku tukadaan masjidka, waxaana hareeraha masjidka lasoo dhoobay ciidamo aad u badan.

Dhagaso Warbixin ku saabsan Qaraxa Bayruut iyo Masjidka Al-Aqsa oo la xiray.Baxamed

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.