Rag Caruur Xaday Oo lagu qabtay Degmada Afgooye.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa lagu qabtay labo nin oo xaday caruur Soomaaliyeed oo ay waalidoontooda la’sanaayeen.

Labada nin ayaa waxaa la arkay iyagoo isku dayay in si xoog ah ay labo gabdhood oo yar yar ku saaraa gaari ay wateen, waxaana ku baraarugay dadka shacabka ah.

Waxay si horudhac ah u qirteen iney la shaqeeyaan hay’ado Shisheeye oo xarumo ku leh magaalada Muqdisho, canug welibana laga siiyo lacag dhan 500 oo doollar.

Muqdisho iyo gobollada Soomaaliya goobaha ay Shisheeyaha joogaan waxaa kusoo badanaya dhacdooyinka la xiriira caruur da’ yar oo la xaday, taasi oo baqdin iyo wal wal badan ku keentay waalidiinta Soomaaliyeed.

Halkan ka dhagayso Rag Caruur xaday oo lagu qabtay Afgooye

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.