Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada.

Maxa’ed Xasan Rooble oo ah ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqay golihiisa wasiirada, oo ay siyaasiyiintu ka war sugayeen mudooyinkii u dambeeyay.

Sida ka muuqata liiska wasiirada cusub, waxaa soo noqday wasiirro dhowr ah oo ka tirsanaa xukuumaddii Xasna Cali Kheyre, iyadoo ay sidoo kale liiska ku jiraan shakhsiyaad ku cusub siyaasadda, sida ay sheegayana dadka arimahan u dhuun daloola.

Xubnaha cusub ee wasiirnimada loo doortay waxaa la sheegay in badankood ay ka tirsanyihiin xisbiga madaxweyne Farmaajo ama axsaabta kale ee taageersan siyaasadda Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

Maxa’ed Farmaajo madaxweynaha Dowladda federaalka ayaa golaha baarlamaanka ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyaan xukuumadda cusub ee uu soo dhigay Maxamed Xasan Rooble.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.