Sanad kadib Howlgalkii Bellidoogle Maraykanka Oo Sheegaya Inay sii Kordheyso Awoodda Al-Shabaab.

Sheekh Abuu Cubeyda-amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shaabaab- oo sagootinaya raggii weeraray Bellidoogle

Sanad ayaa laga joogaa duulaankii weynaa ee Bellidoogle, kaas oo Naftood huriyaal katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen taliska ugu weyn ee ay ciiidamada Maraykanka ku leeyihiin Soomaaliya.

Subaxnimadii hore ee maalintii Isniinta, 30kii Septembar 2019-ka, ayaa weerar culus oo lagu daah furay qaraxyo waaweyn waxaa lagu qaaday xerada Bellidoogle, halkaas oo hooy u ah ciidamada Maraykanka, lagana hago diyaaradaha duqeymaha aan loo meel dayin ka geysta deegaannada wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya.

Isla subuxaas, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarka, kadib markii baraha Internetka lagu baahiyay bayaan ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo English-ka oo kasoo baxay maktabka Warfaafinta ee Mujaahidiinta.

“ Aroornimadii hore ee maalintii Isniinta, guuto gaar ah oo katirsan Istish-haadiyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga Bellidoogle oo ah saldhiga ugu weyn ee uu Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya, waxaana howlgalkaas lagu dilay 121 askari oo Maraykan ah, 12 Yahuud ah, iyo afartan calooshood u shaqeystayaal ah oo la shaqeynayay ciidamada Maraykanka. Waxaa intaa dheer in weerarka lagu burburiyay shan diyaaradood oo isuga jira Hellecopter iyo Drones”.                                ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay maktabka warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wuxu ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa uguna xooganaa ee ciidamada Maraykanka ku qabsada Soomaaliya, tan iyo duulankoodii sagaashameeyada, kaas oo isagana Maraykanka lagu gaarsiyay jab culus.

Maraykanka ayaa si hufnaan la’aan ah uga hadlay weerarka, waxaana uu weji gabax kala kulmey warbaahinta caalamiga ah, isagoona ku hor kufay shacabkiisa, maadaama illaa iyo hadda looga fadhiyo inuu qirto khasaarihii ku gaaray weerarka.

Halkan ka dhagayso Warbixinta oo dhameystiran Sanad kadib Howlgalkii Bellidoogle

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.