Saraakiil Miina Baarayaal Shisheeye ah Oo lagu Dilay Shabeellaha Hoose.

Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo sacaadihii la soo dhaafay lala beegsaday Kolonyo ka tirsan ciidamada shisheeye ee Uganda oo marayay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka naga soogaaraya Gobolka shabeellaha Hoose gaar ahaan Deegaanka Shalanbood ayaa ku waramaya in Gutada qaraxyada Xarakada mujaahidiinta Al-shabaab ay  halkaasi qarax culus kula beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada shisheeye ee ugandha ee ku soo duulay dalka.

Jugta qaraxa oo aheyd mid aad u xooggan ayaa laga maqlay Meello ka fog halka uu ka dhacay waxaana khasaare lagu garsiiyay ciidamada shisheeye ee la baxay Amisom.

Warar ay heshay idaacada islaamiga ah ee al-furqaan ayaa Xaqiijina weerarka lagu dilay laba sarkaal oo miino barayaal ah islamarkaana u dhsahay dalka ugandha.

Marar badan Gobolka shabeellaha hoose waxaa ka dhacay weeraro lagu dilay Saraakiil Miino barayaal ah oo ka tirsan ciidamada shisheeye,  waxaana ugu dambeeyay khamiir biino bare ah oo dhawaan lagu dilay Deegaanka Ambareeso ee udhaw Dagamada baraawe ee wilaayada islaamiga ah  shabeellaha Hoose.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.