Sarkaal katirsan booliiska Suudaan Oo lagu dilay dibadbaxyo ka dhacay wadankaas.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska booliiska ee wadanka Suudaan, waxaa nolosha la dhaafiyay sarkaal katirsan ciidamada booliiska, ka gadaal banaanbaxyo gacan ka hadal watay oo ka dhacay wadankaas.

Sarkaalka waxaa la dilay maalintii Isniinta ee lasoo dhaafay, waxaana magaciisa lagu sheegay Badawi Yuusuf, iyadoona lagu dilay banaanbaxyo ka dhacay gobolka badda Cas ee dalka Suudaan.

Booliisku ma bixin faafaahin dheeri ah oo ku aadan qaabka loo dilay sarkaalkan booliiska ah, mana jirto cid ay ku eedayeen iney iyadu ka dambeyso dilka sarkaalka.

Suudaan waxaa laga soo sheegayaa xaalad kacsanaan ah, iyadoona dadka ku nool dalkaas ay kasoo horjeedaan xukuumadda ku meel gaarka ah iyo golaha sare ee talada dalkaas afgembiga kula wareegay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.