Shil Khasaare Dhaliyay Oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay shil mooto bajaaj, kadib markii ay isku dheceen labo mooto oo si xawaare ah ku socday.

Shilkan ayaa ka dhacay wadada Jeneraal Daa’uud, waxaana uu geystay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay shilkan, halka ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kale.

Shilalka ka dhaca wadooyinka magaalada Muqdisho waxaa ugu wacan iyadoo ay burbursanyihiin wadooyinka dhexmara caasimadda, halka ay dowladda Federaalka xiratay  inbadan oo kamid ah wadooyinkas.

Halkan ka dhagyaso Shil ka dhacay magaalada Muqdisho

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.