Silsilado Qaraxyo ah Oo Lala Beegsaday Shisheeyaha iyo Weeraro ka dhacay Jubbooyinka.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in silsilado qaraxyo ah lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha Uganda ee ku sugan qeybo kamid ah gobolkaas.

Kolonyo katirsan ciidamada Shisheeyaha oo ku socdaalayay inta u dhexeysa deegaannada Danow iyo Golweyn oo katirsan Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lala eegtay ugu yaraan saddex qarax.

Waxyeello kala duwan ayaa ka dhashey qaraxyadan xiriirka ah, taasoo gaartay ciidamamada Shisheeyaha Uganda.

Dhinac kale, weerar kamiin ah ayaa ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose, kaas oo lala eegtay ciidamo katirsan maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan, waxaana la isku adeegsaday hubka culus, iyadoona goobta lagu dagaallamay lagu arkay meydka askari katirsan maamulka Jubbaland oo ay ka carareen saaxiibadiisa.

Degmada Afmadow ayaa iyadana waxay xalay marti gelisay weerar culus, kaas oo lagu qaaday saldhig ay gudaha degmada ku leeyihiin ciidamada maamulka Jubbaland. lama helin faafaahin rasmi ah.

Halkan ka dhagayso Howlgallo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.