Soomaalida Gaarisa Oo Dhigay Banaanbax ka dhan ah Faransiiska.


Magaalada Gaarisa ee dhulka NFD kuna jirta gumeysiga dowladda Kenya waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo ay dhigeen dadka muslimiinta ah, kaas oo looga soo horjeedo dowladda Faransiiska oo dhawaan aflgaadeysay Rasuulka Salla-llaahu calehi wasallam.

Banaanbaxan ayaa ahaa mid ballaaran, waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada muslimka ah, iyadoona dadku ay wateen boorar ay ku xardhanyihiin halkudhigyo ka dhan ah Faransiiska.

Waxaa dadka la hadlay dhalinyaro ducaad ah, iyagoona sheegay iney aad uga xunyihiin tallaabada ay dowladda Faransiiska ku aflagaadeyneyso Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Guud ahaan caalamka Islaamka waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda Faransiiska iyadoona dadka muslimiinta ah ay qaadeceen badeecadaha laga keeno wadanka Faransiiska.

Halkan ka dhagayso Soomaalida Gaarisa Oo Dhigay banaanbax ka dhan ah Faransiiska

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.