Suudaan Oo Boqollaal Malyan oo Doollar Siineysa Maraykanka!

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka, wuxuu ku sheegay in xukuumadda Suudaan ay ogolaatay in Maraykanka ay ku wareejiso boqollaal malyan oo doollar oo ah magdhowga askar Ameerikaan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Yemen.

Sida uu xaqiijiyay Trump, dowladda Suudaan waxay ehellada ciidamadii Maraykanka ee lagu dilay weerarkii USS cole ee ka dhacay xeebaha magaalada Cadan ee Yemen siineysaa lacag dhan 335 milyan oo doollar.

Lacagtan ayaa ah magdhowga askarta Ameerikaanka ah, waxaana la yaab leh in askartaas aaney dilin xukuumadda Siidana oo cida dishey ay tahay dagaalyahanno katirsan Mujaahidiinta Al-Qaacida.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda kumeel gaarka ah ee Suudaan Cabdalla Xamdook ayaa dhankiisa xaqiijiyay warka Donald Trump, kaas oo uu ku tilmaamay guul usoo hooyatay xukuumadiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in sanad ka badan ay wadahadallo kula jireen dowladda Maraykanka, ugu dambeynna ay go’aansadeen iney dhiibaan lacagtaas boqollaalka malyan ah, oo sida hadalkiisa laga dareemayay lagu wareejiyay Maraykanka.

Xukuumadda kumeel gaarka ah ee Suudaan iyo taliska milliteriga ee wadankaas maamula ayaa u arka tallaabadan mid keeneysa in dowladda Suudaan laga saaro liiska waxa loogu yeero dowladaha taageera argagaxisada oo uu Maraykanku ku daray sagaashameeyadii, xilligaas oo Suudaan uu ku sugnaa Sheekh Usaama bin Laadin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.