Suudaan Oo Xiriir Toos ah La Yeelaneysa Yahuudda iyo Shacabka Oo Ka Horyimid.

Aqalka cad ee looga taliyo dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in si toos ah ay xiriir u yeesheen wadanka Suudaan iyo maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka muslimka ah ee Filastiin.

Tallaabadan oo maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayay ayaa u muuqaneysa mid dhabowday, waxaana heshiiskan saxiixay ra’iisul wasaaraha Yahuudda, ra’iisul wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamdook iyo madaxa golaha milliteriga.

Waxaa hadda ka soconaya wadanka Suudaan bananabaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dadka shacabka ah, kuwaas oo kasoo horjeeda heshiiiskan la sheegay iney gaareen maamulka Yahuudda iyo xukuumadda kumeel gaarka ah ee Suudaan.

Halkan ka dhagyaso Suudaan Oo Xiriir toos ah la yeelatay Yahuudda

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.