TRUMP Oo Amray in Ciidamada Maraykanka Isaga soo baxaan Afqaanistaan.

Madaxweynaha wadanka Maraykanka Donald Trump oo la xanuunsan cudurka Corona virus ayaa amar buuxa ku bixiyay in dhamaadka sanadkan socda ee 2020-ka ay ciidamada Maraykanka isaga soo baxaan wadanka Afqaanistaan oo ay duulaan ku joogaan kudhawaad 20 sano.

Wuxuu Trump sheegay iney waajib tahay in ciidamada Maraykanka kuwa ugu dambeeya ay kasoo baxaan Afqaanistaan, marka dadka Kiristanak ah ay u dabaal degayaan ciidaha dhamaadka sanadka ee 25 December.

Hadalka Donald Trump ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan la taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha Maraykanka uu shaaca ka qaaday in dalka Afqaanistaan ay Maraykanka ka joogaan 2500 oo askari.

Donald Trump ayaa todobadyada soo socda wuxuu geli doonaa doorasho madaxtinimo isagoo la tartami doona Joe Biden oo ah musharrax ka socda xisbiga Dimuqraadiga ah.

Haddii laga dhabeeyo amarka Donald Trump, waxay ka dhigantahay in dalka Afqaanistaan uu ka xuroobo gumeysiga Shisheeyaha, kadib 20 sano oo dagaal halgan ah oo ay reer Afqaanistaan kula jireen Shisheeyaha, waxaana uu sidoo kale ka dhiganyahay in Maraykanku ka dhabeeyay heshiiskii uu la gaaray Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.