Wafdi Yahuudda Ka Socda Oo Yimid Dalka Suudaan.

Warbaahinta Yahuudda ayaa xaqiijinaya in wafdi heer sare ah oo ka socda maamulka Yahuudda ay booqsho qarsoodi ah ku yimaadeen magaalada caasimadda u ah Suudaan ee Al-Khardhuum.

Wafdigan ayaa diyaarad gaar ah waxay kasoo raaceen magaalada Talla’biib ee caasimadda maamulka Yahuudda, iyagoona soo gaaray magaalada Al-Khardhuum, halkaas oo ay dhowr saacadood ku sugnaayeen.

Waxay la kulmeen madax sar sare oo katirsan golaha milliteriga wadanka Suudaan ee talada wadankaas gacanta ku haya, iyadoona ay u badantahay iney ka wada hadleen arimo la xiriira sidii xiriir muuqda Yahuudda iyo Xukuumadda Suudaan u yeelan lahaayeen.

Ammaanka wafdigan ayaa si adag loo adkeeyey, waxaana garoonka kasoo qaaday gawaari gaar ah, iyadoo aad loo qarinayay wararka la xiriira joogitaankooda.

Warbaahinta Yahuudda ayaa aad ugu farxay tallaabadan, iyagoona ku tilmaamay iney ku biireysa ololaha ballaaran ee lagu doonayo in xiriir muuqda ay ku yeeshaan maamulka Yahuudda iyo Xukuumadda Suudaan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.