Weerar Lagu qaaday Saldhiga Shisheeyaha Ku sugan Baraawe.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhiga ciidamada Shisheeyaha ee ku sugan magaalada Baraawe ee Shabeellaha Hoose.

Weerarka waxa uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu socday in muda ah.

Ilo lagu kalsoonaan karo waxay warbaahinta u xaqiijiyeen in dagaalka uu ka dhashey khasaare kala duwan oo gaaray Shisheeyaha, inkastoo aan tiro rasmi ah la heyn.

Dagaalka markii uu soo dhamaaday ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kusoo laabtay halkii ay ka duulaan tageen, Baraawena waxay kamid tahay meelaha ay Shisheeyaha kaga suganyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.