Weeraro Khasaare dhaliyay Oo ka dhacay Faransiiska iyo Qunsuliyadda Jeddah.(Dhagayso)

Waxaa dalka Faransiiska ka dhacay weeraro mindiyo loo adeegsaday oo lagu qaaday muwaadiniin Faransiis ah.

Qof ku hubeysan toorrey kuna dhawaaqaya Allaahu Akbar ayaa dhowr qof ku dilay gudaha magaalada Niis ee koonfurta Faransiiska, halka uu dhaawacay tiro kale.

Waxaa sidoo kale jiray weerar kale oo ka dhacay magaalo dhacda koonfur bari Faransiiska, kaas oo ay booliisku sheegeen in fuliyaha ay dileen.

Dhinac kale, weerar keligii duulnimo ah ayaa lagu qaaday qunsuliyadda Faransiiska ee magaalada Jiddah ee dhulka Xarameynka.

Halkan ka dhagayso Faafaahinta Wararkii Ugu dambeeyay Weerarada ka dhacay Faransiiska iyo Jeddah

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.