Weeraro Saf ballaaran ah Oo Lagu Qaaday Saldhigyo ku yaala Jaziira.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro saf ballaaran ah waxay ku qaadeen saldhigyo iyo baro kontorool oo deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho ku leeyihiin ciidamada Dowlada federaalka.

Ugu yaraan 3 kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda federaalka ayaa weerarka lagu qaaday, waxaana goobta ka dhacay dagaallo xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo waxay xaqiijinayaan in dagaallada ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 7 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Ugu yaraan 6 gaari oo ay lahaayeen ciidamada Dowladda federaalka ayaa lagu burburiyay weeraradan culus, halka lagu soo furtay 2 gaari, qoriyaal iyo saanado hub ah oo kala duwan.

Waa dagaalkii ugu cuslaa oo dhawaanahan ka dhaca deegaanka Jaziira oo ah deegaan xeebeed dhaca duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.