Xubin katirsan Ergada Oo Lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho waxay ku dileen xubin katirsna ergadii soo xushey baarlamaanka maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Aadan Kaali oo kamid ah ergada maamulka Jubbaland ayaa rag hubeysan waxay ku dileen xaafad katirsan degmada Dayniile ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qeybaha sare ee jirkiisa ayaa dhowr xabadood looga dhuftay Aadan, taasoo keentay in durba uu halkaas ku quur baxo.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa horey waxay baaq towbad keen ah ugu dirtay ergadii soo xulay baarlamaannada Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, waxaana baaqaas ka faa’ideystay kumanaan Oday.

Dhagayso Mid kamid ah Ergadii Soo xulay Baarlamaanka Oo Muqdisho lagu dilay

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.