100 Qof Oo Amxaaro ah Oo lagu dilay Galbeedka Itoobiya. (Dhagayso)

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa ku waramaya in weerar xoogan oo khasaare dhaliyay lagu qaaday deegaan dhaca galbeedka wadanka Itoobiya, halkaas oo ay ku noolaayeen dad kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada.

Weerarka waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Wajeela oo katirsan gobolka Oromia, waxaana lagu dilay ugu yaraan 100 ruux oo isuga jira haween, caruur iyo dad waayeello ah.

Kooxo Oromo ah ayaa geystay weerarka, sida ay ku waramayaan wararka halkaas ka imaanaya.

Dalka Itoobiya waxaa mudooyinkii u dambeeyay kusii kordhayay weerarada khasaaraha badan dhalinaya ee ay isku geysanayaan qowmiyadaha dalkaas dega.

Halkan ka dhagayso 100 Ruux oo Itoobiyaan ah oo lagu dilay galbeedka Itoobiya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.