12 Askari Oo Katirsan Ciidamada Bankrafta Oo Ku Dhintay Qaraxyo ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lagu weeraray ciidamada ka amar qaata kuwa Maraykanka ee loo yaqaano Bankrafta.

Qaraxyada ayaa ka dhacay meel u dhow saldhiga Maraykanka ee Bellidoogle, waxaana ka dhashey khasaare ba’an oo gaaray ciidamada Bankrafta.

Ugu yaraan labo gaari oo noocyada dagaalka ah islamarkaana saarnaayeen askarta Bankrafta ayaa qaraxa lala helay, waxaana halkaas ku burburay labada gaari.

12 Askari oo kamid ahaa ciidamadii saarnaa gawaarida qaraxyada lala haleelay ayaa goobta ku dhintay, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo aan tiradooda la heynin.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan lala eegtay ciidamada Bankrafta, waxaana weerarkan uu ku feeylayaa silsilado weeraro ah oo beegsaday ciidamada Bankrafta iyo kuwa Maraykanka.

Bankrafta waa askar soomaali ah oo ay tababareen ciidamada Maraykanka, iyaga ayayna si gaar ah u hoostagaan kana qaataan mushaaraadka, waxayna fuliyaan weeraro dhibaateyn ah oo ay ku beegsadaan dadka shacabka ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.