14 Askari Kenyaati ah Oo Lagu dilay Qarax Ka Dhacay Mandheera.
Inkabadan Toban Askari Oo lagu dilay Qarax ka dhacay MandheeraFaafahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey qarax xoogan oo dhulka NFD lagula eegtay ciidamada dowladda Kenya.
Qaraxa oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Bambo oo hoostaga degmada Lafey ee Mandheera ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca ciidamada xambaara ah oo ay saarnaayeen askar badan oo Kenyaati ah.
Ilo lagu kalsoonaan karo waxay warbaahinta u xaqiijiyeen in qaraxaas lagu dilay 14 Askari Kenyaati ah halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6 kale.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si buuxda u sheegtay masuuliyadda weerarkan, waxaana uu ku daba feylayaa silsilado weeraro ah oo dhulka NFD lagula beegsanayo ciidamada Kenya.
Halkan ka dhagayso Inkabadan Toban Askari Oo lagu dilay Qarax ka dhacay Mandheera