2 Askari Oo Lagu dilay Duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa deegaan dhaca duleedka Muqdisho waxay ka fuliyeen howlgal gaar ah oo ay ku beegsadeen askar katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay 2 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Ragga dilka geystay waxay horey usii qaateen qori iyo boosh uu watay mid kamid ah ciidamadii dilka loo geystay, waxayna goobta uga dhaqaaqeen si nabadgeliyo ku dheehantahay.

Ceelasha biyaha waxay kamid tahay deegaannada ay ka dhacaan howlgallada ay fuliyaan Mujaahidiinta ee lagu beegsado ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.