7 Goobood oo Dhuusamareeb iyo Baydhabo Ku jiraan Oo Marti geliyay Dagaallo Culus.

Xarunta maamulka Goof Guduud Buurrey oo ay ku suganyihiin Mujaahidiinta-Sawir hore

Habeenkii xalay ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday silsilado weeraro ah oo beegsaday ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga dalkeena Soomaaliya.

Weerarada waxay ka kala dheceen gobollada Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose, Baay iyo Bakool iyo gobolka Galgaduud, waxaana lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha, kuwa Dowladda federaalka iyo askarta Jabuutiyaanka ah ee Hiil Gumeysi loo yaqaano.

Meelaha ay dagaalladu ka dheceen waxaa kamid ah magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo, Baraawe, Jannaale, Qoryooley, Awdheegle iyo deegaanka Hosingow, waxaana la rumeysanyahay iney ka dhasheen khasaare kala duwan.

Halkan ka dhagayso 7 Goobood Oo Lagu Weeraray Shisheeyaha

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.