Askar Maraykan iyo Bankraf isugu jira Oo lagu dilay Camaliyad Ka dhacay Gandarshe.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar nafurnimo ah oo lala beegsaday ciidamo huwan oo ah uu hor kacayay Mareykanka , kuwaas oo saqdii dhexe ee xalay duulaan ku soo qaaday degaan xeebetka Gandarshe ee hoostaga magaalada Marka ee xaruunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadaan oo isugu jiray Maraykan iyo kuwa Bankrafta ee ka amar qaata Ameerikaanka ayaa kasoo duuley deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho , wexeyna wateen diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah iyo sidoo kale noocyada kala duwan ee gadiidka dagaalka .

ka hor inta aysan gudaha u soo gelin degaanka Gandarshe , waxaa lala beegsaday Gaari miineysan oo uu kexeynayay naftii hore ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab,

Dhawaqa camaliyada oo aheyd mid aad u xoogan ayaa si aad ah looga dareemay degaanka , waxaana ciidamada Mareyknaka iyo kuwa Bankrafta gaaray khasaare isuugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa camaliyada nafurnimada ah lagu dilay 1 askari oo Mareykan ah halka sidoo kale uu dhaawacmay mid kale , waxaana dhinaca Bankrafta laga dilay 4 askari, iyadoo laga dhaawacay 3 kale.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Bankrafta ayaa isku daya in ay weeraro qalqal galin ah ku qaadaan deegaanada lagu maamulo ku dhaqanka Shareecada islaamka, hasayeeshee waxa ay la kulmaan weeraro xooggan oo ay kala hortagaan Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.