Askari Bambo Ku Dhex Qarxiyay Gurigiisa, Qoyskiisana Waxyeello Gaarsiiyay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa bambo ku dhex qarxiyay gurigiisa, taasoo dhalisay khasaare kala duwan.

Askariga ayaa bam gacmeed uu watay wuxuu ku qarxiyay guriga, waxaana goobta ku geeriyooday wiil uu isagu dhalay, iyadoo hooyadiisana ay waxyeello soo gaartay.

Xilliga uu askariga qarxinayay bambada ayaa lagu soo waramayaa inuu daroogeysnaa, taasoo sabab u noqotay inuu kontorooli waayo waxyaabaha qarxa.

Askarta Dowladda federaalka ayaa marka laga soo tago dhibaatooyinka ay ku hayaan bulshada waxaa intaa u dheer in dhibaatadooda ay xitaa ku nabad gelin qoysaskooda.

Halkan ka dhagyaso Askari Bambo ku dhex qarxiyay Gurigiisa

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.