Askari katirsan Maamulka Puntland Oo Lagu dilay Gaalkacyo.

Warar naga soo garaya magaalada Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug ayaa ku waramaya in saacadihii la soo dhaafay halkaasi lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada dowlada hoose ee maamulka Puntland.

Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay askari ku sugnaa gudaha magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu magcaabi jiray Madax wargale, waxaana meydkiisa goobta ka qaaday askar ka tirsan ciidamada mamulka Puntland .

Magaalada Gaalgacyo waxaa joogta ka ah howgalada qorsheysan ee lagu beegsanayo saraakisha iyo xubnaha muhiimka ah ee ka tirsan mamulka Puntland.

Dhawaan ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo lagu dilay xubno ka tirsan Sirdoonka maamulka Puntland isla markaana uu ka mid ah sarkaal lagu magcaabi jiray Siciid Maaradoon.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.